top of page

Algorithm

Waa maxay Algorithm?
Si kooban algorithm waa "Waa taaabooyin go'an; sunsun(taxane) ah oo xalinaya ama fulinaya shaqo".


Halkan laba arrin baa muhiima in aad fiiro gaara u yeelano. Tan koobaad waa 'talaabooyin go'an', haa waa taaabooyin tirsan oon shaki ku jirin xadidnaantooda. Tusaale tirada [0...9] imisa number ayaa ku jira haddii aan taxno oo sunsun(sequence) ka dhigno waa 10 talaabo bes oon shaki ku jirin. Ma ila socotaan? Taabooyinkan go'an waxa looqayaan 'finite steps', tan oo ah in algorithm yeelato taabooyin tirsan oo sunsun ah. Arinta labaad ee muhiimka ah waa 'sunsun' , algorithm waa in ay raacdo hab kaas oo ah mid taalaabooyinku yihiin kuwo taxane ah si ay u dhammayso hawl qabadkeeda.


Tusaale, haddii aan rabno in aan [Yasin,Abdallah,kalid] tartiibino si aan u kala horraysiino xaadiriskooda inaka oo raacayna habka abjadiyada. Sidee noqon karaan ? Waa in aan Yasin iyo Abdallah is barbar dhigno ka dib is waydaarino inaka oo raacayna habka abjadiyada. Ka dib sidan noqdaan. [Abdallah, Yasin,Kalid] - 1 step(swap - yes) Haddana mar kale is barbardhigno Yasin iyo Kalid. [Abdallah, Kalid, Yasin] - 2 step(swap - yes). Sidan oo kaliya ma ahan ee waa in aan hubino mar kale is barbardhigno Abdallah, Kalid. [Abdallah, Kalid, Yasin] - 3 step( swap - no) isla jeerkaana is barbardhigno Kalid iyo Yasin. [Abdallah, Kalid, Yasin] - 4 step (swap - no). Tan ayaana ka dhigan in aad samaynay 'finite steps' oo ah 4 steps si aan u tartiibino magacyada inaka oo raacayna xeerka abjadiyada.

Hadda sida ino muuqata waxa aan samaynay algorithm taas oo raacaysa habka abjadiyada isla jeerkana leh taalaabooyin xadidan isla markaana sunsun ah oo taxane ah ilaa aan ka gaarnay u jeedkii. Hadda si cad baad u qeexi kartaa algorithm , waa "Waa taaabooyin go'an; sunsun(taxane) ah oo xalinaya ama fulinaya shaqo". Waxayna ku qeexaan: "An algorithm is a set of instructions for solving a problem or accomplishing a task".


Waxa kale ood maskaxda ku haysaa algorithm malahan luuqad iyo/ama program Lang gaar ah, ee waa hab raacyo lagu qoro luuqad caadiyada sida Somali, English... Wayna ka madax banaanyihiin programming langs sidaa darteed waxa aad adeegsan kartaa luuqadaaad doonto sida Java, Python, JavaScript ... Ma jiro algorithm mid kale ka fiican se waxa lagu kala xushaa laba qodob:

  1. Wakhtiga ay ku dhammaystirayso hawsha loo diray(time complexity).

  2. Iyo Xajmiga ay ka buuxinayso kaydiyaha( space complexity).

Isku soo doob, algorithm waa qorshe(plan) hirgalintiisa luuqad kasta la adeegsan karo . Waa sida planka guri la dhisayo oo Engineer kasta loo dhiibi karo.


Kulankale mahadsanid ♥️

66 views0 comments

Related Posts

See All

Queue

Stack

bottom of page