top of page

Arrays

Waa maxay array?



Waxa aynu kaydin rabtaa toban tiro. Si haddaba aynu u keydiyo waa in aynu helno toban qol oon ku keydino sida :


package com.riigsoft;
public class Array{
 public static void main(String[] args){
   int num1 = 101;
   int num2 = 102;
   int num3 = 103;
   int num4 = 104;
   //....... 
   int num10 = 110;
   }
}

Toban tiro waa wax kooban ood qori karto bal ka waran haddii aad u baahato boqol tiro, kun tiro , ... Runtii waa dareemaysaa culayskeeda. Haddaba waa halkan halka uu Array u yahay xalka.

Bal ka waran haddii toban tiro, boqol tiro , kun tiro ,... aan HAL QOL ku KEYDINO sow subbar ma ahan. Haa waa yaa salaam salaam, looolz. Sidan oo kale:


 package com.riigsoft;
 public class Array{
  public static void main(String[] args){
   int [] num = {101,102,103,104,.,110};
   }
}

Su'aashuse waxa ay tahay markii hore tiro kastaa waxa ay la hayd magac gooni ah oo marka la rabo loo yeedhi karo sida num1, num2 , hadda sidee loogu yidhi karaa ?

It is simple. Tiro kasta oo Array-ga ku kaydsani waxa ay leedahay tiro afgarasho oo loo yaqaanno INDEX kan oo inta badan luuqada progs ka bilaabma [0]. Tusaale ahaan haddii aynu rabno in aynu u yeedhno num1,num2,..num10; waxa aynu qoraynaa sidan:


num[0] =101;
num[1] =102;
num[2] =103;
....
num[9] =110;

Array kaliya waa tiro isku mid ah oon kala soocnayn, tusaalehan halka sare ku xusani waa tiro buuxda oon jajab la hayn. Array ma yeeli karo tiro kala duwan sida 101, 10.5 oo ah tiro buuxda iyo tiro kala dhiman.

Haddaba sida aynu aragno Array waa : "Waa urur ama xidhmo isku nooc ah oo leh tiro afgarasho". Waxa ay ku qeexaan ," an array is a collection of similar type of elements which has based-indexed location".

Arraygu waxa uu leeyahay cabbir sugan (fixed size) tan oo ka dhigaysa Arrayga in kaliya loo isticmaalo wax cabbirkiisa la isla ogyahay( size must be known in advance). Waana sababta looga guuro marar badan iyada oo la adeegsanayo waxa loo bixiyey URURADA(Collections) , mar kale ayaynu ka hadliye.

Waxa maskaxdaada ku soo dhacaysa waydiin kale oo ah sidee cabbirku(size) dhib u yahay? Waa easy!


Xaflad baynu qabanaynaa waxa aynu sii ognahay dadka ka soo qayb galaya 100 ruux. Waxa aynu u diyaarinay qol qaadaya boqol kursi oo kaliya nasiib darro se waxa yimi 150 qof . Maxa xala; waa in ay taagnaadaaan(error: IndexOutOfBoundaryException). Waxa kale oo dhici karta in halkii aan 100 ka qof ugu talo galnay ka yimaadaan 50 qof tan oo noqonaysa in 50 kursi inaga khasaareen; waana niyad jab!


Haddaba sidan oo kale ayuu Arraygu yahay oo marna yaraan ka caban karaa marna badnaan. Waa sababta aan u leenahay marka aad rabto in aad Array adeegsato waa in aad cabbirka sii og tahay si uuna programku kaaga khalkhalin.


Complete source code you can clone from my github


Waa ila dheeraataye raali ha la ahaado ☕.

La sii #wadaag akhyaarta.



45 views0 comments

Related Posts

See All

Queue

bottom of page